Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kooxda Liverpool ayaa dusha saartay mas’uuliyada ciyaar xumada Liverpool ee xilli ciyaareedkan.
Virgil van Dijk ayaa sheegay inuu dareemayo inuu sabab u yahay qaab ciyaareedka liita ay Reds ku bilaabatay xilli ciyaareedka.
Daafaca dhexe ayaa kabtan u ahaa Liverpool madaama uu maqan yahay Jordan Henderson iyadoo Reds ay ku guuldareysatay inay soo bandhigto qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay.
Liverpool ayaa badisay kaliya labo ka mid ah lixdii kulan ee ugu horeysay horyaalka ee xilli ciyaareedkan halka ay guuldarro 4-1 ka soo gaartay Napoli kulankoodii furitaanka Champions League.
Xiddiga Netherlands ayaa hadalkiisa raaciyay: “Sida kaliya aan horumar ku sameyn karo waa inaan kulamada ciyaaro oo aan qaladaadkeyga wax ka barto, ma ahan inaan dhageysto hadalka dadka banaanka jooga, waa inaan la hadlo dadka iigu dhow.
“Waan nahay bani’aadam, waxaana dhamaanteen dooneynaa inaan qabano shaqada ugu fiican ee aan awoodno, aniguna la mid ayaan ahay. Si xaqiiq ah ayaan u ogahay inaan si ka fiican sidaan u ciyaari karo.
“Waxaan doonayaa inaan xilli ciyaareedka dhanka kale u rogno, kaliya uma doonayo nafteyda laakiin waxaan u doonayaaa qof walba oo kooxda xiriir la leh.”