Israa’iil oo dib loogu celiyay shilin horay looga bililiqeystay oo lagu qiimeeyay hal milyan oo doollar.

0
149

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ku dhowaad 20 sano oo howlo baaritaan ah ayay qaadatay in la soo xiro kiiska shilin lagu qiimeeyay hal milyan doollar. Wuxuu dabagalka raadkiisu isaga gudbay qaarado.

Waxaa laga soo bililiqeystay Israa’iil sanadkii 2002, waa la daba galay, ugu dambeyna waa la helay, waxaana dib loogu celiyay halkii laga keenay.

Arrintan ayaa billaabantay markii Hay’adda Alaabooyinka Taariikhiga ah ay ku ogaatay warar ay heshay in lacagtaas ay qaadeen dad Falastiiniyiin ah oo ka yimid Dooxada Ella oo ku taalla koofurta Qudus.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay ku qaadatay toban sano iyo bar sidii ay u heli lahayd shilinkaas oo hal xabbo ah, taas oo loogu gudbiyay si aan sharci aheyn suuqyada alaabooyinka qaddiimiga ah ee ku yalla Israa’iil, Jordan iyo Ingiriiska.

Ugu dambeyntii waxaa loo dhoofiyay Mareykanka si loogu iibiyo xaraash ka dhacay magaalada Denver ee Colorado sanadkii 2017.

Baarista ayaa loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Degmada Manhattan qeybteeda alaabooyinka qaddiimiga ah, taas oo heshay amar maxkamad oo sheegaya wararka ku saabsan shilinkaas iyadoo gacan laga helayo shan dal, isla markaana garab la waydiisto dalalka Yurub iyo Bariga dhexe.

Halkaas shilin ayaa Isniintii lagu wareejiyay xaflad Manhattan ka dhacday oo ay ka qeybgaleen askar iyo saraakiil Mareykan ah, waxaana ku jiray Safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Gilad Erdan.