Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa dhulka jiid-jiidday Juventus oo ku booqatay magaalada Paris, waxaana ku goolal tirsaday Kylian Mbappe oo qaybtii horeba laba gool ka dhaliyey kulan kusoo dhamaaday 2-1 oo ay PSG ugu dabbaal-degtay guusheedii koowaad ee Champions League kulankeeda koowaad ee xilli ciyaareedkan.
Ciyaarta oo ay inteeda badan daadihinaysay PSG oo si aad ah uga awood badnayd Juventus ayaa waxa daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta uu Kylian Mbappe gool degdeg ah kaga nixiyey kooxda martida, isaga oo kubbad uu Neymar fig yar ka dul-qaaday dersin difaacyahanno ah oo hortiisa taagnaa u dhaafiyey, waxaanu Mbappe oo aan kubadda qabanin uu ku toogtay goolka darbad xooggan oo uu qasab ku dhaafiyey goolhaye Mattia Perin oo sii taabtay kubadda laakiin awoodi waayey in uu joojiyo.
PSG oo si fiican uga ciyaaray khadka dhexe iyo garbaha weerarka, isla markaana kubadda u tuuraysay Kylian Mbappe oo ay dhaqdhaqaaqiisa la socdeen Neymar iyo Lionel Messi ayaa ku qasabtay Juventus inay dib u fadhiisato oo ay taxadar dheeraad ah ka samayso laacibkan orodka badan.
Kylian Mbappe ayaa gool labaad u dhaliyey Paris Saint-Germain, isaga oo kubbad isku-dhiib ah la ciyaaray Achraf Hakimi oo xerada ganaaxa dhexdeeda ugu soo celiyey kubbad aanay cidina cidhiidhi ku haynin. Mbappe ayaa darbad xooggan qabadsiiyey kubadda uu ka helay difaaca reer Morocco, waxaanu weydaariyey goolhaye Perin oo u muuqanayey mid aan la soconin kubadda kusoo aaddan, xilli dambena istuuray.
PSG ayaa ku doodday in rikoodhe loo dhigo markii uu Neymar ku dhacay xerada ganaaxa isaga oo kubbadda ka tuurtay Bonucci, hase yeeshee garsooraha ayaa madaxa iyo fartaba u ruxay oo u sheegay in aanay rikoodhe ahayn maadaama fursadda uu kubadda ku qabsan karayay ay yarayd oo uu mar walba lahaa goolhayuhu.
Weeraryahanka reer France ee Mbappe oo la joojin kari la’aa ayaa kubbad looga soo tuuray difaaciisa lugta la waayey isaga oo goolhaye Perin waxyar u jiray. Alla maxay khatar ahayd.
Lionel Messi ayaa maarkiisa madax ku qabtay kubbad uu Verratti soo qaaday, waxaase badbaadiyey difaacyahannada Juventus oo uu ku beegay.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Juventus la timid gool uu u dhaliyey Weston James Earl McKennie oo baas qurux badan oo uu ka helay Kostic oo dhinaca midig kasoo jabiyey karoos u dhiibay McKennie oo isaguna madax awood badan ku qabtay, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 2-1.
Vlahovic ayaa u dhowaaday inuu keeno goolka barbarraha. Madax awood badan ayuu ku qabtay kubbad uu goolhaye Donnarumma badbaadiyey, laakiin uu mar kale ku celiyey Mckennie ay ka dallacantay kubaddu xilli jamaahiirta Juventus ay isku diyaariyeen inay barbarro u dabbaal-degaan.
Labada kooxood midkoodna ma awoodin inuu wax goolal ah oo kale la yimaaddo waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Paris Saint-Germain.