KOOXDA ISBUUCA: 11kii Xiddig Ee Todobaadkaan Ugu Fiicnaa Premier League Oo La Magacaabay

0
157

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kulamadii isbuuca 6aad ee horyaalka Premier League ayaa la ciyaaray todobaadkan iyadoo Man City iyo Liverpool lagu dhegay, halka Chelsea ay guul soo laabasho ah gaartay. Manchester United ayaa iyadana ka farxalatay kooxdii la celin weysnaa ee Arsenal.

Arsenal ayaa weli horyaalka Premier League ku hogaamineysa 15 dhibcood halka Man City oo labaad ku jirta ay leedahay 14 dhibcood, waxaa 14 dhibcood la leh Tottenham oo kaalinta 3aad ku jirta halka Brighton oo soo xasuuqday Leicester ay 13 dhibcood leedahay kuna jirto kaalinta 4aad iyadoo Man United oo guushii afaraad oo isku xigta gaartay ay ku jirto kaalinta 5aad waxayna leeyihiin 12 dhibcood.

Hadaba khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay 11kii xiddig ee todobaadkan ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Dhanka goolka waxaa todobaadkan ugu fiicna goolhayaha Everton Jordan Pickford oo seddexda dhibcood ka horjoogsaday Liverpool kulankii barbaraha ku dhamaaday ee Meyseyside Derby, seddex fursadood ayuu ka beeniyay Firmino halka uu fursad dahabi aheyd oo ka timid Darwin Nunez badbaadiyay.

Seddexda daafac danbe waxaa ugu fiicnaa todobaadkan daafaca Everton Coady oo ahaa hal bowlaha kooxda Frank Lampard, halka daafaca Liverpool Joe Gomez uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican oo uu xaqiijisanayo booskiisa isagoo ahaa daaafaca hagayay Liverpool madaama Van Dijk uu ku jiro waqti aan fiicneyn. Ben Chilwell oo aan ku soo bilaabanin ciyaartii Chelsea iyo West Ham ayaa ahaa xiddigii ciyaarta bedelay isagoo dhaliyay goolka barbaraha ka hor inta uusan caawiye ka noqonin goolkii guusha ee Kai Havertz.

Afarta khadka dhexe ugu fiicnaa waxaa ugu horeeya xiddiga Bournemouth Billing kaasoo dhaliyya gool cajiib ah kulankii ay guusha soo laabashada ah ka gaarneyn Nottingham Forest. Kooxdiisa oo labo gool lagu leeyahay ayuu ku hogaamiyay inay 3-2 ku badiyaan.

Waxaa isna todobaadkan si fiican u dheelay xiddiga khadka dhexe ee Tottenham Hojbjerg oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican iyadoo ay u sii dheereyd gool uu dhaliyay kulankii ay ka badiyeen Fulham. Xiddiga Man United Christian Eriksen ayaa isna soo bandhigay isbuucaan kulankiisii ugu fiicnaa ee intii uu xirnaa maaliyada Man United isagoo kala furfuray Arsenal oo ciyaar isku duubni ah ku soo shirtagtay. Waxaa khadka dhexe dhameystiraya Alexis Mac Allister oo labo gool u dhaliyay Brighton kulankii ay 5-2 ku xasuuqeen Leicester City.

Weerarka waxaa hogaaminaya Marcus Rashford oo labo gool ka dhaliyay Arsenal kulankii ay Man United ku badisay Old Trafford. Xiddiga Ingariiska ayaa u muuqda inuu si rasmi ah booska weerarka ugala baxay Cristiano Ronaldo oo saaxiib la noqday kursiga keydka. Waxaa isna mashiinka goolasha ee Premier League noqday Erling Haaland oo mar kale shabaqa soo taabtay kulankii ay Man City barbaraha la gashay Aston Villa. Halka weeraryahanka Brentford Ivan Toney uu seddexleey dhaliyay kulankii ay 5-2 ku xasuuqeen Leeds United.

KOOXDA ISBUUCA:

(3-4-3): Pickford; Coady, Gomez, Chilwell; Billing, Hojbjerg, Eriksen, Mac Allister; Rashford, Haaland, Toney

126587177 capture