Hoggaamiyihii ugu dambeeyey ee Midowga Soofiyeeti oo geeriyooday

0
208

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyihi hore ee Midowgii Soofiyeet Mikhail Gorbachev, oo sabab u ahaa inuu soo dhammaado dagaalkii qaboobaa ayaa geeriyooday isaga oo da’diisa ahayd 91 jir.

Gorbachev oo talada Midowgii Soofiyeeti la wareegay 1985-kii ayaa waddo cusub u furay xiriirka ay Midowgi Soofiyeti la lahayd caalamka intiisa kale isaga oo isbaddallo baddanna gudaha dalkaasi ka sameeyey.

Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet ee geeriyooday Michael Gorbachev.

Shaqaalaha isbitaalka uu Gorbachev ku geeriyooday waxay sheegeen in uu la tacaalayey xannuun daran oo muddo dheer soo hayey.Waxay sheegeen muddooyinkaii dmabe xaaladdiisa caafimaad iney ahayd mid aad u sii liidaneysay.

Bishii June warbaahinta caalamka waxay baahisay in Gorbachev xanuun kelliyaha kala soo darsay awgeed in isbitaal la dhigay inkasta oo weli la shaacin sababta geeridiidsa keentay.

Gorbachev wuxuu soo noqday xoghayaha guud ee Xisbiga Hantiwadaaga ee Soofiyeeti isaga oo 1985-kina noqday hoggaamiyaha dalkaasi.

Siyaasadiisa oo ahayd mid ku saleysan furfurnaan wuxuu markii ugu horreysay muwaaddiniinta dalka Ruushka u oggolaaday iney dowladda dhaliilaan.