RASMI: West Ham Oo Xaqiijisay Saxeexa Xiddiga Reer Brazil Ee Ay Ku Garaacday Arsenal

0
195

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta West Ham ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Lucas Paqueta oo ay u jabisay rikoodhkii iibka ee kooxdeeda, isla markaana ay ku garaacday Arsenal oo uu hunguri kaga jiray laacibkan, taas oo uu agaasimaheeda Edu meel fagaare ah ka sheegay inay doonayaan.

Lucas Paqueta ayaa lagu soo bandhigay London Stadium, isaga oo saxeexay heshiis shan sannadood ah, waxaanay West Ham kasoo bixisay lacagtii ugu badnayd ee ay abid ciyaartoy ku iibsato oo ah £51 milyan oo Gini.

25 jirkan hal-abuurka badan oo noqonaya ciyaartoygii siddeedaad ee ay West Ham la saxeexato xagaagan, ayaa soo afjaray waayihiisii Lyon oo iyaduna hore ugala soo wareegtay AC Milan.

Paqueta 1

West Ham ayaa bixinaysa £36.4 milyan oo Gini oo kaash ah iyo lacago kale oo ku xidhnaanaya muddada uu joogayo London Stadium, taas oo isugeynta lacagta laga doonayo Hammers ka dhigaysa £51 milayn oo Gini.

Paqueta oo xidhan doona No.11 ayaa markii uu heshiiska saxeexay waxa uu la hadlay website-ka kooxdiisa, cusub, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay halkan, waxaanan rajaynayaa in aan bilaaban doono safar raaxo leh. Waxa aan rajaynayaa  in aan guulo gaadhi doono inta aan halkan joogo.

“Sannadkii hore, West Ham waxay soo qaadatay xilli ciyaareed wanaagsanaa, waxaanan rajaynayaa in aanu sii wadi doono oo uu xilli ciyaareedkani kasii fiicnaan doono, farxad ayaanay ii tahay in aan xidho shaadhka West Ham oo aan tuso taageereyaasha waxa aan qaban karayo, si aan u caawiyo ciyaartoyda iyo kooxdayda.”

Tababare David Moyes ayaa isaguna ka hadlay saxeexa Pqueta, waxaanu yidhi: “Isagu waa ciyaartoy aan muddo dheer la dhacsanaa oo aan waqti badan la socday. Dabcan waxa aanu isku aragnay Europa League xilli ciyaareedkii hore, waana ciyaartoy maskax badan, balse waxa uu u baahan doonaa waqti uu kula qabsado horyaalka Premier League, waananu ku faraxsanahay in aanu kooxdayada kusoo kordhinay ciyaartoy heercaalami ah.”