Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo ka shiray dib u habeynta Maaliyadda

0
177

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson.

Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Bangiga Aduunka ayaa ka wada hadlay hannaanka dib u habeynta maamulka Maaliyadda iyo horumarka Soomaaliya ka sameynayso.

“Waxa aan  shir muhiim ah oo miro-dhal ah la qaadanay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo wafdigii ay hogaaminaysay oo nagu soo booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda” ayuu yir Wasiir Cilmi.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Waxa aan ka wadahadalnay qorshaha socda ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo mashaariicda taageerada ah ee Bangiga uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya”