Soomaaliya oo loogu deeqay 1.6 million oo xabbo oo ah tallaalka J&J ee COVID-19

0
179

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dawladda Soomaaliya ayaa la soo gaarsiiyey illaa 1,645,600 oo ah tallaalka
xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka
Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech.
Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaaliya, hannaanka
qaybinta tallaalka COVID 19 ee COVAX. Illaa haatan tirada shacabka Somaaliya ee
dhamaystay labada tallaal ee xanuunka COVID 19 ayaa gaaraya illaa 2.3 million oo
qof, halka in kabadan 1.9 million oo qof ay qaateen qayb ka mida tallaalka.

Warsaxaafadeed lagu baahiyey bogga internetka ee hay’adda UNICEF ayaa lagu
sheegay in wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo
ka hadlayey munaasibadda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahadceliyey
dalalkii ku deeqay tallaalkan.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo
Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno
xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha
dad badan” ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa haatan qarka u saaran inay isu
rogto macaluul baahsan, waxaana haatan ay abaaruhu saameeyeen illaa 7.7
million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah, halka illaa 1 million oo qof
ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

Dr Mamunur Rahman Malik, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa yiri, “Guud
ahaan shacabka Soomaaliya illaa 15% ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19,
halka illaa 12% oo ka mida shacabka Soomaaliya ay qaateen qayb ka mid ah
tallaalka. Dr. Mamunur ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay u qorshaysan
tahay in la tallaalo ugu yaraan 40% shacabka Soomaaliya marka la gaaro
dhammaadka sannadkan.