Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer England Tammy Abraham ayaa dhaliyay gool iyadoo Roma ay gadaal ka soo laabatay islamarkaana barbaro la gashay Juventus kulan ka tirsanaa Serie A.
Dusan Vlahovic ayaa dhaliyay gool laad xor ah oo cajiib ah isaga oo hogaanka u dhiibay Juve laba daqiiqo markii ay socotay ciyaarta.
Manuel Locatelli ayaa markii ugu horeysay kubad ka soo tuuray meel 20 mitir u jirta goolka shabaqa dhex dhigay, laakiin waxaa goolka ku gacan seeray VAR madaama iuu Vlahovic kubada gacanta ku taabtay.
Weeraryahankii hore ee Chelsea Abraham ayaa hadda ah ciyaaryahanka seddexaad ee u dhashay England ee ugu goolasha badan taariikhda Serie A, wuxuuu la siman yahay Trevor Francis oo 18 gool dhaliyay. Gerald Hitchens ayaa dhaliyay 59 halka David Platt uu dhaliyay 31.
Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Ac Milan ayaa hogaanka u haysa horyaalka kadib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Bologna oo marti u aheyd.
Rafael Leao iyo Olivier Giroud ayaaa labada gool u dhaliyay Rossoneri.
Torino oo ka badisay Cremonese ayaa waxay 7 dhibcood la wadaagaan Milan, Lazio iyo Roma.