Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xiddigaha Tirada Badan Ee Ka Dhaawacan Liverpool

0
170

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay ka dhaawacan yihiin dersin ciyaartooyo ah, waxaanay tiradu sii korodhay toddobaadkan kaddib markii uu tababarka ku dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita oo la sheegay in uu isaguna muddo dheer maqnaan doono.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa kusoo warramaysa in Naby Keita uu muddo toddobaadyo ah jiifi doono, isla markaana aanu xisaabta ku jiri doonin kulamada bishan AUgust.

Waxa kale oo Liverpool ka maqan difaaca dhexe ee reer Cameroon ee Joel Matip oo muddo afar usbuuc ah la sheegay in uu maqnaanayo, halka Ibrahima Konate aanu illaa kulamadii saaxiibtinimo ee kooxdiisa qayb ka noqon, isla markaana muddo aan la cayimin sii maqnaan doona.

Curtis Jones oo khadka dhexe ah ayaa usbuucyadii ugu dambeeyey laga daawaynayay dhaawac muruqa lugta hoose ah, waxaana uu Klopp dhowaan sheegay in uu filayo in uu dhowaan soo noqdo in uu waqti rasmi ah shaaciyo.

Laacibka ay Liverpool u jabtay ayaa ah Thiago Alcantara oo dhaawaciisu muddo afar toddobaad ah qaadanayo, waxaana Jurgen Klopp oo wax  laga weydiiyey waqtiga uu soo laabanayo uu yidhi: “Dhaawaciisu wuu xun yahay.” Afarta usbuuc ee loo qabtay ayaa noqonaya badhtamaha bisha dambe ee September.

Warka fiican ee Jurgen Klopp uu ugu bushaareeyey taageereyaasha kooxdiisa ayaa waxa uu yahay, in uu tababarka kusoo laabtay weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo uu qayb ka noqon doono kulanka Liverpool ay safarka ugu tegayso Bournemouth maalinta Sabtida, hase yeeshee lama filayo in uu kusoo bilaaban doono maadaama uu muddo dheer garoomada ka maqnaa.