Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadaan ayaa maanta kormeeray Isbitaalka ugu weeyn gobalada dhexe ee ku yaalo magaalada Baladweyn.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka oo uu ka kooban yahay iyo dhismooyin dib loogu dayac tirayo isbitaalka, Waxana uu sidoo kale booqday bukaano kujira isbitaalka una badan caruur ay soo wajahday nafaqa daro.