Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay ku dhawaad 3 bilyan oo doolar oo gargaar militari ah oo cusub oo la siinayo Ukraine, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sheegay in gargaarka looga golleeyahay in lagu caawiyo dalka inuu ka difaaco duulaanka Ruushka “muddo dheer” iyadoo dagaalku uu galay bishii toddobaad.
Bayaan ka soo baxay Mareykanka Arbacadii, ayaa lagu sheegay in xirmada $ 2.98bn ay u oggolaaneyso Ukrain si ay u hesho nidaamyada difaaca hawada, “Nidaamka madaafiicda iyo rasaasta, nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn, iyo radar”.
Ukraine ayaa u dabaal dageysa madax-bannaanideeda Midowgii Soofiyeeti ay ka qaadatay sannadkii 1991.