Dadka ganacsiyada yar yar ku leh Seylada xoolaha ee Dhoobley oo ka warbixiyey ganacsigooda iyo caqabadaha heysta.

0
168

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Seyladda xoolaha Dhoobley oo lagu gado xoolaha ay Soomaalidu dhaqato qeybahooda kala duwan waxa hadana sido kale halkaasi uu suuq u yahay bulshada qeybaheeda kala duwan oo iyagu ku iibiya ganacsiyo Yar yaryar oo ay ka soo saartaan nolol maal-meedkooda.

Dadka halkaasi ganacsiyada kuleh waxa kamid ah Sahra Axmed Maxamed waxay saylada xoolaha ku garab iibisaa bacmushtar u badan dhar iyo kabaha dadku xidhaan waxay inooga warantay ganasigeeda iyo marxaladaha uu soo maray Sahara waxay ka sheekeysay caqabada ay ku qabto rarida xamaaliga kolka ay rawixineyso ganacsigeeda kaas oo ay u daldasho meel in badan ka fog hallka ay wax ku iibineyso waxay maamulka Magaalada ka codsatay in lo sameeyo iyada iyo dadka lamid ah ba goob ay ku ganacsadaan dowladuna ku ogtahay

Dhan kalee waxaan wareysi la yeelanay qeybo kamid ah dadka halkaasi ku yeeshay ganacsiyada yar-yar waxayna isugu jiraan dad kaso labtay xeryaha qaxootiga dalka kenya iyo dad ku barakacay gudaha dalka oo ay xoolo waxay lahaayeen abaartu dhaafisay.

Saylada xoolaha ayey dhinacooda kaga gataan ganacsiyo yaryar oo kala duwan
iyago la hadlayey radio sanguuni ayey nala wadaageen ganacsigooda iyo caqabadaha halka ay ku shaqeynayaan

Ugu danbeyntii waxaan geestiisa Wareysi la yeelanay Guddomiyaha Degmada Dhoobley Xasan Cabdi Xaashi anigo wax ka weydinay Qorshayaasha ay u dajiyeen Dadka Danyarta ee ku ganacsada Seylada Xoolaha.

Ganacsiga magaalada dhoobley ayaa sandihii dambe hormar badan sameynayey, ganacsiyada waaweyn ee magaalada waxaa hadba garab socda mid kale oo yar yar kaa oo ay furanayaan dadka danyarta ah ama aanan heli karin inay kireystaan bakhaarada waaweyn hareeraha wadooyinka iyo goobaha la isugu yimaada sida saylada iyo suuqyada kale ayey inta badan daadsadaan ganacsigooda iyagoo maalin uun rajeynaya inay helaan goob u gaar ah oo ay ku ganacsadaan kuleelka cadceeda iyo roobkana ka dugsadaan.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya