Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cudurada ku dhaca neerfaha ayaa saameyno kala duwan ku yeeshay Bulsho fara badan oo ku nool guud ahaan caalamka Waxeyna ay isuga jiraan dadka uu saameeyey caruur iyo dad Waaweyn,marka laga hadlo Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka ku nool miyiga ayaa inta badan aan ku baraarugsaneyn cudurka Neerfaha taasi oo mararka qaar dhacada in dad badan oo kamid ah bulshadaasi ay u naafoobaan Xanuunkaasi.
cudurkan ayaa inta badan waxaa uu sababaa naafanimo ama qofka oo waayo qayb kamida xubnihiisa jirka ugu muhiimsan taasi oo caqabad ku noqota isku dheeli tirnaanka Jidhka.
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in xanuunada neerfaha ay saameeyaan in kabadan ilaa hal bilyan oo qof oo adduunka oo dhan ah.
Dr Sayid Cawil Cigaal waxaa uu kamid yahay Dhaqaatiirta ka howgala Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose waxaana uu kawarbixiyay waxyaabaha keena xanuunka neerfaha iyo siyaabaha loo la tacaali karo.
Dhanka kale waxaan iyagana waraysi la yeelanay qaar kamid ah Bulshada ku nool Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Joose iyaga oo inooga warbixiyay dhibatada uu ku hayo bulshada xanunkani.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan faah faahineysa