Doon aan cidna wadin oo xog muhiim ah kasoo gudbisay gunta hoose ee badda.

0
178

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dooni Robot ah oo aysan cidna wadin isla markaana laga hagayay dalka UK ayaa ka soo laabatay sahankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay Folkaanaha Tongan ee badda hoosteeda ka qarxay bishii January.

Doonida oo ay leedahay shirkadda (USV) Maxlimer -waxay qeyb ka tahay sahan lagu sameynayo gunta hoose ee badda gaar ahaan meesha uu ka qarxay Folkaanaha inta u dhexeysa biyaha Hunga-Tonga Hunga-Ha’apai.

Doontan oo ay samaysay shirkad British ah oo lagu magacaabo Sea-Kit International ayaa waddaa sahminta wajigga labaad ee foolkaanada Tonga ,mashruucaas oo uu hogaaminayo Machadka Qaranka ee Biyaha iyo Cilmi-baarista ku saabsan Cimilada (Niwa) ee New Zealand ayna maalgelineyso hay’adda Nippon ee laga leeyahay dalka Japan.

Xogta ilaa hadda ay soo ururisay ayaa xaqiijisay warbixinadii hore ee dhaqdhaqaaqa foolkaanaha ka qaxay aaggaas.Doonta waxaa leedahay qalab u suurtageliyay in xogta uu kasoo gudbiyo biyaha hoostooda gaar ahaam 300m.

Doonta Maxlimer oo dheererkeedu yahay 12 mitir ayaa gaartay biyaha Tonga, laakiin waxaa laga hagayay meel fog oo 16,000km u jirta xeebta Tollesbury ee Essex.

Waxay arrintani ku suurtogashay kadib markii doonta lagu rakibay dayax-gacmeedka.Qolka mugdiga ah ee laga hagayay doonta Robot-ka ah waxaa yaallay shaashadood waaweyn oo soo bandhigayay sawirro toos ah oo ay soo gudbinayeen kameerooyinkii ku rakibnaa doonta.

Mustaqbalka howlgallada badda waxaa loo isticmaali doonaa doomaha Robotic-ka ah, ee meelaha fog laga hago marka sahan laga sameynayo gudaha badda gaar ahaan goobaha halista ah sida meelaha uu ka qarxo foolkaanaha si shaqaalaha doomaha looga maarmo oo aysan dhibaato usoo gaarin.