Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United iyo Liverpool waa labada kooxood ee ugu guulaha badan England ka dib markii ay horyaalka qaadeen wadar ahaan 39 jeer.
Laakiin marka ay labada kooxood ee cadowga isku ah ku kulmaan caawa oo Isniin ah garoonka Old Trafford, waxay mid walba raadineysaa guusheedii ugu horeysay ka dib markii ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedka.
Liverpool ayaan weli badinin ka dib markii ay barbaro galeen labadii kulan ee ugu horeysay ee ay la ciyaareen Fulham iyo Crystal Palace halka Jurgen Klopp uu la tacaalayo dhaawacyo iyo casaankii uu qaatay saxiixa cusub Darwin Nunez.
United ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka oo ay ku jirto guuldarro 4-0 oo ka soo gaartay Brentford.
Advertisements
Madaama laga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkii hore ee tababare Ralf Rangnick, United waxay dooneysaa inay ka fogaato shan guuldarro oo xiriir ah horyaalka markii ugu horeysay tan iyo markii ay 7 guuldarro oo isku xigta soo gaartay sannadkii 1972.
Iyadoo taageerayaasha United ay qorsheynayaan mudaharaad ka dhan ah milkiilayaashooda, jawiga Old Trafford ay noqon doono mid sumeysan oo xitaa halis geliya in ciyaarta ay u baaqato.
Advertisements
Klopp Thiago
Inkastoo ay muhiim tahay in carabka lagu adkeeyo in xilli ciyaareedka uu bilow yahay hadana Liverpool waxay u baahan tahay guul ka dib markii ay afar dhibcood dhumiyeen labadii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan.
Waxaa ka maqnaan doona Nunez oo ganaax ku maqan ka dib casaankii uu ku qaatay inuu herdiyay Joachim Andersen kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Crystal Palace.
“Waxaan muhiim ah in aan dhamaanteen garwaaqsano in Darwin uu yahay xiddig weli ay shaqo ku socoto, isaguba wuu ogyahay taas” ayuu yiri Klopp.
Nunez oo 23 sanno jir ah wuxuu sidoo kale maqnaanayaa kkulamada Bournemouth iyo Newcaste ee 27ka iyo 31ka Agoosto.
Waa dib u dhac soo wajahay Jurgen Klopp kaasoo ay dhaawac uga maqan yihiin dhow ciyaartooy oo ay ku jiraan, Thiago Alcantara, Diogo Jota, Curtis Jones, Joel Matip, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Ibrahima Konate.
“Waxaa ina soo maray isbuucyo dhib badan” ayuu yiri Klopp. “Maalin walba qof ayaa soo dhaawacma, waxaana iri ‘sidee ayay wax u jiraan, ma sixireey ayaa ina habaartay oo dhismaha inoogu jirta?’” ayuu hadalkiisa raciyay.
126392888 gettyimages 1232653480
Labo xilli ciyaareed ka hor, kulankaan dib ayaa oo dhigay markii taageerayaal mudaharaadaya ay garoonka xoog ku galeen, iyadoo saraakiisha amaanka ay xakameyn waayeen.
Waqtigaas Man United waxay ku jirtay 13 kulan oo aan laga badinin, waxayna ku socotay inay ku dhameysato kaalinta labaad, waxayna gaareen finalka Europa League, laakiin haatan cabsi weyn ayaa laga qabaa in mudaharaad kale oo rabshad wata inuu dhaco.
United sidaan oo kale ma aysan noqonin ku dhawaad 50 sannadood markaasoo ay heerka labaad u dhaceen.
Screenshot 2022 08 21 204455
SHAXAHA MACQUULKA AH:
Liverpool waa waxaa hareeyay dhaawacyo badan, Roberto Firmino ayaa la filayaa inuu taam u noqdo kulankaan oo ku soo bilowdo weerarka iyadoo ay caawinayaan Mohamed Salah iyo Luis Diaz. Dhanka khadka dhexe Keita ayaa la filayaa inuu soo laabto oo ka garab dheelo Fabinho iyo Henderson.
Daafaca Joe Gomez ayaa lagu soo bilaabi doonaa markii ugu horeysay isagoo ka garab dheelaya Van Dijk.
Dhanka Manchester United Harry Maguire ayaa la filayaa in keyd la geliyo iyadoo Varane iyo Martinez ay daafac dhexe ka ciyaarayaan. Saxiixa cusub Malacia ayaa isna la filayaa inuu bedelo Shaw.
Khadka dhexe waxaa la saadaalinayaa in Fred oo booska burburiyaha khadka dhexe fariisan doono iyadoo ay ka horeeyaan Eriksen iyo Fernandes, dhanka weerarka Ronaldo ayaa la filayaa inuu hogaamiyo iyadoo ay caawinayaan Rashford iyo Sancho.
Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Henderson, Keita; Salah, Diaz, Firmino
Manchester United (4-3-3): De Gea; Dalot, Varane, Martinez, Malacia; Fernandes, Fred, Eriksen; Sancho, Ronaldo, Rashford