Erik ten Hag Oo Balanqaad Weyn U Sameeyay Taageerayaasha Man United Ka Hor Kulanka Liverpool

0
163

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Erik ten Hag ayaa wacad ku maray inuu Manchester United ku soo celin doono waayaheedii guulaha islamarkaana shaqadiisa loo aayi doono inkastoo xilli ciyaareedka ay ku bilowdeen si musiibo ah.

Ka hor kulanka caawa oo isniin ah ay la leeyihiin Liverpool, tababaraha reer Holland ayaa qaaday talaabooyin uu wax uga qabanayo qaab ciyaareed xumada kooxdiisa, wuxuuna u sheegay ciyaartoydiisa inuusan aqbali doonin inay ku celiyaan qaab ciyaareedyadii ay ku ceeboobeen kulamadii ay guuldarada ka soo gaartay Brighton iyo Brentford.

Ten Hag ayaa tababar dheeri ah geliyay ciyaartoydiisa ka dib markii ay guuldarro 4-0 ka soo gaartay Brentod isagoo ku qasbay inay ordaan 13.8 kiilomitir oo aheyd farqigii u dhaxeeyay intii ay ordeen markii ay garoonka ku jireen iyo inta ay ordeen xiddigaha Brentford.

Talaabadaas uu qaaday waxay aheyd mid uu ku tusinayay ciyaartoyda United inuu isagu yahay maamulaha kooxda, waxaana ka dhaadhacsan inuu jawab uu ku qanco ka heli doono ciyaartoydiisa fashilmay.

Wuxuu ku adkeystay in qaacidooyinkiisa ay guulo u keeni doonaan Old Trafford si la mid ah sida uu ugu soo guuleystay dalkiisa Netherlands halkaasoo uu ku qaaday seddex horyaal iyo labo koob oo maxali ah.

Wuxuu yiri: “Halkaan uma joogo nafteyda, waxaan halkaan u joogaa kooxda iyo inaan kooxda ku soo celiyo waayaheedii guulaha. Ka hor inta aanan halkaan imaanin waan ogaa howsha i sugeysa, waana rabay shaqadaan.

“Waan ogaa inay adkaan doonto laakiin waan rabay sababtoo ah waayaheyga tababarenimo oo dhan meel walba aan tagay waxaan ku bilaabanayay si adag laakiin guulo ayaan ku dhameysanayay, shaqadii la ii doortayna waan ka soo baxayay, waxaa iga dhaadhacsan inaan halkaan guulo ku gaari doono.”