Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo loo dhaariyay xubinimada golaha shacabka

0
214

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa loo dhaariyay doona xubinimada joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka golaha shacabka oo ay soo xaadireen xubno ka badan 150 ayaa waxa ay marka hore ka doodeen ansixinta qodobada ajendaha oo uu ku jira dhaarinta madaxweynihii hore.