Real Madrid Oo Xasuuqday Celta Vigo, Modric Oo Mucjisadiisii Sameeyay & Xiddigii Bedelay Casemiro Oo Wacdarro Dhigay

0
200

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa xaqiijisatay gushii labaad ee isku xigta horyaalka La Liga ka dib markii ay caawa 4-1 ku xasuuqeen kooxda Celta Vigo oo marti loo ahaa xilli xiddigii bedelay Casemiro ee Tchouameni uu ismuujiyay.

Goolal ay kala dhaliyeen Benzema, Modric, Vini Jr Iyo Valverde ayay Real Madrid kaga takhalustay Celta Vigo oo goolka kaliya uu u saxiixay Iago Aspas. Eden Hazard oo bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta ayaa isna rigoore ka qasaariyay Los Blancos.

36 jirka Modric ayaa caawa soo jiitay indhaha isagoo gool qurux badan dhaliyay islamarkaana caawin sameeyay, waxaa isna wacdarro dhigay Tchouameni oo booska burburiyaha khadka dhexe ka bedelay Casemiro oo Man United ku biiray.

Real Madrid ayay u bilaabatay nolol uu ka maqan yahay Casemiro oo ku biiray Manchester United iyadoo tababare Ancelotti uu caawa soo safay khad dhexe oo afar ciyaaryahan ah oo kala ah Modric, Camavinga, Valverde iyo Tchouameni.

11 daqiiqo ayay ku qaadatay Real Madrid inay hogaanka u qabatay ciyaarta markii rigoore loo dhigay iyadoo Tapia uu kubada gacanta ku taabtay isagoo xariiqda goolka jooga.

Waxaa rigoorada u soo istaagay weeraryahan Karim Benzema kaasoo gool u sarifay islamarkaana hogaanka u dhiibay Los Blancos.

Toban daqiiqo ka dib, Celta Vigo ayaa iyagana rigoore loo dhigay markii uu Militao uu kubada gacanta ku taabtay isagoo xerada ganaaxa ku jira. Waxaa rigoorada isku soo taagay Iago Aspas oo shabaqa cusjiyay ciyaartana ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 42aad Luka Modric oo 36 sanno jir ah ayaa hogaanka ugu dhiibay Real Madrid gool cajiib ah oo uu dhexda ka soo jiday ka hor inta uusan shabaqa ka tooganin xerada goolka banaankeeda, wuxuuna ahaa gool aad u qurux badan.

18 ka mid ah 33da gool ee uu Modric u dhaliyay Real Madrid waxay ahaayeen goolal uu shabaqa ka toogtay xerada ganaaxa banaankeeda.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay Real Madrid,

Daqiiqadii 56aad Real Madrid ayaa heshay goolkeedii 3aad ee ciyaarta markii Modric uu kubad u dhex bixiyay Vinicius Jr oo kubada la kor tagay goolhayaha islamarkaana dhinac maray ka hor inta uusan tooganin shabaqa.

Daqiiqadii 67aad Real Madrid ayaa dhalisay goolkeedii afaraad markii Tchouameni uu kubad rogaalcelis degdeg ah bilaabay isagoo u dhigay Vinicius Jr kaasoo isna kubada u soo dhigay Benzema laakiin weeraryahanka Faransiiska ayaa kubada uga leexday Valverde oo shabaqa ku hubsaday.

Daqiiqadii 85aad waxaa Real Madrid loo dhigay rigoore kale markii Malo uu xerada ganaaxa qalad kula galay Benzema. Weeraryahanka Faransiiska ayaa rigoore ku sharfay Eden Hazard oo bedelay Vini Jr, laakiin xiddiga reer Belgium ayaa qasaariyay rigoorada waxaan ka badbaadiyay goolhayaha Celta Vigo.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-1 oo ay Real Madrid ku garaacday Celta Vigo.