Waa Imissa Lacagta Ay Qaataan Garsoorayaasha Horyaalka Premier League?

0
168

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Garsoorayaasha Premier League waa kuwa ka mid ah dadka ugu shaqada adag kubada cagta iyagoo ilbiriqsi in ka yar ku go’aamiyada natiijada ciyaaraha.

Laakiin immisa ayay qaataan, waa kuma garsoorayaasha lacagta ugu badan la siiyo ee horyaalka?

Inkastoo ay eedeymo badan la kulmaan hadana garsoorayaasha Premier League waxay qaataan lacag aad u yar marka loo eego ciyaartoyda iyo tababarayaasha.

garsoorayaasha Premier League waxay sannadkii qaataan mushahar u dhaxeysa 70 kun ilaa 200 kun ginni sida ay shaacisay Sporting Free.

Waxaase intaas u dheer in lacag dheeri ah la siiyo kulan walba oo ay qabtaan, garsooraha dhexe waxa uu kulan walba qataa 1500 ginni halka caawiyayaasha garsooraha iyo garsoorayaasha VAR ay qaataan kulan walba 850 ginni oo ka dheeri ah mushaharkooda sannadlaha.

Mike Dean oo ka fariistay shaqada garsooraha dhexe dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa ahaa garsooraha lacagta ugu badan qaata horyaalka Premier League. Wuxuu haatan noqday garsooraha VAR ee kulamada Premier League.

Baaris ay sameysay Sportekz ayaa lagu ogaaday in Mike Dean uu sannadkii mushahar ahaan u qaato 200 kun ginni, waxaana u dheereyd lacagta uu kulan walba uu garsooro qaadanayay.

Shaqada garsoorayaasha waa inay dhaqangeliyaan sharciga ciyaarta, inay koontaroolaan ciyaarta iyo inay warbixin ciyaarta ku saabsan u gudbiyaan maamulka ciyaaraha.

Xilli ciyaareedkan waxaa kulamada horyaalka Premier League garsooraya 16 garsoore oo qabanaya 380 kulan waxayna kala yihiin: