Ronaldo oo si kulul kaga hadlay arrinta ku saabsab mustaqbalkiisa Man United

0
165

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cristiano Ronaldo ayaa si xor ah uga hadlo mustaqbalkiisa garoomada, kaddib markii ay warbaahinta iyo saxaafada ay in badan ka hadleen inuu doonayo inuu sida ugu dhaqsaha badan uga tago kooxda Manchester United.

Cristiano Ronaldo ayaa baraha bulshada soo dhigay warbixin ku saabsan xaalada uu haatan kaga sugan yahay kooxda, iyo hadii uu xagaagan ka tagi karo Old Trafford iyo in kale.

Tani waxay jawaab u tahay qoraal uu taageere ku soo qoray Instagram, iyadoo uu Cristiano Ronaldo uu ku dhaleeceeyay warbaahinta, isaga oo tilmaamay mid been abuur ah oo uu ku adkaystay in labada toddobaad ee soo socda uu runta ku soo bandhigi doono waraysi.

Cristiano Ronaldo ayaa fariintiisa ku sheegay: “Qof walba waxa uu ku ogaan doonaa runta wareysiga labo todobaad gudahood.”

“Waxaan haystaa buug xusuus qor ah, bilihii la soo dhaafayna 100 war ayaa iga soo baxay. laakiin 5 ka mid ah ayaa sax ahaa, inta kale, waa been.”

Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League, waxayna tani xaqiijisay in ciyaaryahanka uu doonayay inuu u dhaqaaqo koox ka ciyaarta Champions League kaddib xilli ciyaareed niyad-jab ah ay qaadatay Red Devils, inkastoo Ronaldo uu dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan, xilli ciyaareedkii hore.