Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka ceel dhiig oo kamid ah kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa waxaa dagan dad barakacayaal ah oo ka kala yimid deegaanada jubada hoose jubada dhexe iyo gobolka baay ee ay abaartu ku dhufatay kuwaasi oo hada wajahaya xalada caafimaad daro madaama kaamka uusan lahayn goobo caafimaad oo ay dadku ka heli karaan adeegyada caafimaadka ee ay u baahanyihiin xanuunka jadeecada ayaa ka dilaacay kaamka ceel dhiig sido kale dadka dagan kaamku waxay sheegeen in caruurta qaar lagu arkay xanuunka shubanka biyoodka.
Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ee dagan kaamkan oo ka warbixiyay xaaladooda caafimaad iyo xanuunnada ay wajahayaan ayaa codsaday in ay helaan adeeg caafimaad.
Sikastaba ha ahaatee dadka dagan kaamkan ayaa ah dad danyar ah oo aan heeysanin wax ku iibsadaan daawo mana lahan xarun caafimaad oo lagu dabiibo dadka bukaanada ah ee ay soo riteen xanuunada ka jira kaamkaasi.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay