Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Liverpool ee Darwin Nunez ayaa raali galin bixiyay ka dib markii casaan loo taagay kulankii Crystal Palace kadib markii uu madaxa si xun ugu dhuftay Joachim Andersen.
Xiddiga reer Uruguyan, oo 23 jir ah, ayaa caradiisa xakameyn waayay, wuxuuna herdiyay daafaca dhexe ee Crystal Palace qeybtii labaad ee ciyaarta.
Xiddiga ku fadhiya 85ta milyan ginni oo ka soo muuqanayay markii ugu horeysay garoonka Anfield ayaa raaligelin ka bixiyay falkii uu ku kacay isagoo qiray inuu si xun u dhaqmay.
“Waa raaligelinayaa dhamaan reer Liverpool. Waan soo laaban doonaa.”
Saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Virgil van Dijk ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdadaan isagoo u sheegay Nunez inuu barto sida la isku xakameeyo.
Laakiin daafaca ayaa sheegay in Nunez uu heysto taageerada buuxda ee kooxda, islamarkaana uu ogsoon yahay inuusan mar danbe soo bandhigi karin dabeecad sidaan oo kale ah.
Nunez ayaa seddex kulan ganaax ku maqnaanaya oo ay ugu soo horeyso kulanka ay habeenka Isniinta Old Trafford ku booqanayaan kooxda Manchester United.