Go’aano kasoo baxay shir ay yeesheen Gòlaha Wasiirada Soomaaliya

0
174

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xalay waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

Shirkan deg degga ah oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

– Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka

– Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

– Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hay’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.

– Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

– Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
6. Wasiirka Maaliyadda
7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
10. Wasiirka Amniga Gudaha
11. Wasiirka Gaashaandhigga
12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
14. Culimada Soomaaliyeed
15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Ururada bulshada Rayidka