Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Degmada Dhoobley ee gobolka jubada hoose waxa ay ku taalaa xadka kal qeybiya daalalka kenya iyo soomaaliya taas oo ay ku nool yihiin bulsho iskugu jiro danyar ah iyo kuwa nooloshoodu dhaxdhaxad tahay.
Mudooyiinki u danbeeyay magaalada ayaa waxaa laga dareemayay qiimo koror dhanka daawada ah iyadoo degmada ay ku yaalaan xaruumo caafimaad oo badan oo ah kuwa si gaar loo leeyahay.
Dadka ku nool degmada aya waxa sameyn ku yeelatay qiimaha daawooyiinka noocyadooda kala duwan la iibiyo iyadoo bulshada qaar ay walaac ka muujiyeen sare u kaca ku yimid qiimaha lakala siito daawada
Qaar kamid ah bulshada ku nool magaada dhoobley ayaa dhankooda ka hadlay sameynta ay ku yeelatey qiimaha daawada ay ku iibsadan.
Dhankale Siyaad Cawiil Cige waxaa goob farmashi ku leeyahay magaalada dhoobley waxaana kawareysanay waxa sababey in aya daawadu qali noqoto.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa