Maaqayad Casri ah oo laga hirgaliyay Degmada Dhoobley.

0
175

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sanadihii u danbeeyay laga hirgalinayay Ganacsiyo kala duwan oo Casri ah islamarkaana la jaanqaadi kara Ganacsiyada kale ee Caalamka.

Ganacsatada Dhoobley ayaa dadaal xoggan ugu jira sidii ay Maalgashiyo kala duwan uga sameyn lahayeen Deegaanka taasi oo xilgan laga Dareemayo, haday noqon laheyd dhinacayada Dhismaha daqabyo, Maqayaadaha iyo sido kale Kaalimaha Shidaalka.

Maqaayada Maandeeq oo ah Maqaayad si casri ah loo qalabeyay ayaa waxaa dhawaan ka hirgaliyay Magaalada Ganacsato u dhalatay Degmada.

Maqaayadan ayaa wax badan ka tari doonta Baahidabulsho ee la xidhiidha helida Goobo laga Cuno Cuntooyinka nocyadooda kala duwan iyo sido kale goobo lagu nasto.

Qaar kamid ah Bulshada Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose oo aan wareysi layeshay ayaan wax kaweydiyay sida ay u arkaan Maqayadan Casriga ah ee laga hirgaliyay Degmada.

Dhan kalee waxaan isna geystisa Wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeshay Maamulaha Maqayada Mandeeq isago fah-faahin iga siisay Maqayada waxyabaha ay ku iibiyaan iyo sido kale sida ay uga faa’iideyeen dhanka Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Deegaanka.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan inooga diyaariyay