Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya shirka dhamaystirka Deyn-Cafinta.

0
174

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Istanbul ee dalka turkiga waxaa ay uga qeyb galayaan shirka dhamaystirka Deyn-Cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.

Shirka oo uu sidoo kale goob joog ka yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Duceele beyle ayaa inta uu socdo lagu lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta Dakhliga gudaha.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an ka guul-gaaridda Horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mustaqbalka wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Geba-gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ay soo saaraan warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku lafa-gureyn shirka, sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qeyb galeysa shirka.