Suuqyada lagu iibiyo Caanaha Xoolaha ee Degmada Dhoobley oo laga Dareemayo Caano yari.

0
163

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaarta ka jirta dalka ayaa siyaabo kala duwan saamayn ugu yeelatay maalaayiin Soomaliyeed oo ku nool dalkeena, dad ayaa u dhintay macluul ay sababtay abartu qoysas ayaa ku xoolo beelay qaarna xilligan ayay qorshenayaan in deegaanadodi ay ka barakacaan Maadaama ay baarta ku dabab dheeraatay.

Abaaraha xooggan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka ayaa haatan maraya heerkii ugu adkaa,Goobaha ay sida ba’an ugu habsatay abaartu ayaa waxaa ka mid ah qeybo badan oo kamid ah Degaanada Jubbaland.

Kaliya abaartu maysan saameyn dadka xoola dhaqato beeraleyda ah balse waxaa ay sido kale saameyn ku yeelatay Haween badan oo nolosha qoysaskooda ka maareyn jiray ka ganacsiga caanaha xoolaha nool iyado hada ay gabaabsi ka marayaan Suuqyada Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose heelida caanaha xoolaha.

Qaar kamid ah Haweenka iibiya caanaha xoolaha ee ku nool Degmada Dhoobley ayaa Radio Sanguuni uga warbixiyay sida ay ganacsigooda u saameysay Abaarta ka jirta guud ahaan Gobalada Dalka.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa