Brentford oo dhulka ku jiiray Manr United oo marti ugu ahayd garoonkeeda Gtech Community

0
165

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Brentford ayaa dhulka ku jiiray Manchester United oo marti ugu ahayd garoonkeeda Gtech Community, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada isbuuca labaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Brentford.

Daqiiqadii 10-aad Brentford ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Jay Dasilva kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Mathias Jensen.

18 daqiiqo marka ay mareysay Mathias Jensen ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brentford.

Sheeko waxay sii xumaatay daqiiqadii 30-aad kaddib markii Ben Mee uu dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brentford.

35 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Brentford ayaa dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 4-0 ka dhigay Bryan Mbeumo kaddib markii uu caawin ka helay Ivan Toney.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Manchester United oo marti ugu ahayd garoonkeeda Gtech Community, United ayaa la kulantay guuldarradii labaad oo xiriir ah.