Dugsiyada Quraanka ee wax lagu barto Looxa oo kasii dabar go’aya Degmada Dhoobley.

0
194

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dugsi qur’aanka waa marxalad uu soo maray qof kasta oo Soomaliyeed Maadaama ay dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo Muslimiin ah oo ku soo barbaaray diinta islaamka,Sidaas darteed ayey dugsiyada quranku yihiin meesha ay bulshadu wax ku soo bartaan, dhanka diinta marka la eego.

looxa oo ay dadka soomaaliyeed in badan oo kamid ah ay wax ku soo barteen quraanka kariimka ah ayaa sanadihii u dambeeyay waxa uu kasii suulayay gobolada dalka gaar ahaan magaaloyiinka waaweyn.

Qaar kamid ah macalimiinta wax ku dhiga buugaagta iyo looxa ayaan ka wareysanay farqiga u dhaxeeya wax ku baridda looxa iyo buugaagta

Dhanka kale bulshada ku nool magaalada dhoobley oo geestooda aan wareysi la yeelanay ayaa ka aragti dhiibtay farqiga u dhaxeeya looxa iyo buugaagta.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan inooga diyaariyay