Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Roobab dabaylo wata oo ka da’ay Koonfurta Galbeed ee dalka Yemen iyo caasimadda Sanca ayaa keenay inay ka dhashaan daadad xooggan oo sababay inay guryo kala duwani dumaan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ee ay sababeen roobabkaasi inay haatan marayso illaa 38 qof.
Saraakiisha dalka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in guryo aad u fara badan oo ku kala yaalla caasimadda Sanca iyo gobollada Dhamar iyo Ibb ay gebi ahaan burbureen ama waxyeello xooggani soo gaadhay.
Xilli roobaadka sanadlaha ah ee Yemen ayaa inta badan bilaabmaa bisha May wuxuuna socdaa ilaa bisha August, laakiin sanadkan waxaa ka da’ay roobab ka culus kuwii caadiga ahaa oo ay la socdaan duufaano.
Dhinaca kale, Hay’adda UNESCO ayaa Khamiistii shalay ahayd walaac ka muujisay saamaynta uu roobku ku yeeshay magaalada Qadiimiga ah ee Sanca, oo ku jirta diiwaanka goobaha qadiimiga ah ee dunida.