Barakacyaasha Kaam Daryeel ee Degmada Dhoobley oo codsaday leerarka cad ceeda ku shaqeeyo.

0
151

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barakacyaasha ku nool Kaam Daryeel ee Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Sheegay in ay baahi weyn u qabaan Heelidda leyrasha Cadceeda ku shaqeeya  maadamo xiliga Habeenkii ah mugdi uu ka jiro Kaamka.

Qaar kamid Barkacyaashaasi oo lahadlay Cod Baahiyaha Sanguuni ayaa Maamulka Degmada Dhoobley iyo Ha’yaddaha ugu baaqay in ay ku taageeraan Helida leyrarka ku shaqeeya Iftiinka Qoraxda.

Dhanka kale Guddomiyaha Kaam Daryeel ayaa dhankiisa kawarbixiyay dhibaatada ay ku qabaan leydh la’aanta.

Xasan Maxamed Cabdullaahi. ayaa warbixintan inooga diyaariyay