Maktabadaha lagu iibiyo kitaabada oo ay Qayb ka noqday Ganacsiga Degmada Dhoobley.

0
153

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ganacsiyada laga hirgalinayo qaybo kamid ah suuqyada Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa ah kuwa qeyb libaaxle ka qaadanaya Kor u qaadista Horumarinta Dhaqaalaha magaalada.

Kadib markii loo magacabay Degmo Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa sii balaadhtay ganacsiyada kala duwan ee ay bulshada hirgalinayaan iyadoo Magaalada Dhoobley ay tahay magaalo xuduudeedayaa hadana waxaa ku nool Bulsho aad ugu fican hal abuurka ganacsi.

Makatabadaha Lagu ibiyo Kiitaabada ayaa waydii dambe kuso badanyay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose iyadoo wayadii hore aysan Jirin Goobo lagu iibiyo Kutubada noocyadooda kala duwan.

Qaar kamid ah Dadka makatabadaha ku leh Magaalada Dhoobley ayaa ka warbixiyay ganacsigooda iyo Sida ay Bulshada wax uga iibsadaan

Dhanka kale waxaa isagana waraysi la yeelanay mid kamid ah Bulshada iibsanaysay kutubada halkaas lagu iibiyo waxaana ka waraysanay hirgalinta ganacsiyada noocaan oo kale iyo sida ay bulshada uga faa’iideysanayaan.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa