Muwaadin Soomaaliyeed oo toorey lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0
192

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxo burcad Koonfur Afrika ah ayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa ku Ganacsada dalkaas Maanta kudilay Tooreey xilli uu ku sugnaa dukaankiisa oo kuyaalla Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Johannesburg.

Alle u Naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay Cabdinaasir, waxaana Kooxaha Burcadda ah ay u geysteen dilka kadib dhac xoogan dukaankii uu ku sugnaa.

Mid kamid Soomaalida ku Ganacsata Goobta dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in kooxaa burcadda ay ay muwaadinka Soomaaliyeed tooreyda uga dhufteen qeybsaha sare ee jirskiisa, isla markaana dhaawac ahaan uu isbitaalka ugu geeriyooday.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay balse ka hor ay goobta ka baxsadeen burcaddii dilka geysatay, waxaana ciidamada ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah oo aan cidna lagu soo qaban.