Barakacayaasha Kaam Ceel Dhiig ee Degmada Dhoobley oo codasday Gar gaar Bini’aadanimo.

0
165

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka Ceel dhiig oo kamid yahay kaamamka ku yaala Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose,Kaamkan ayaa waxaa ku nool dad danyar ah oo ka soo barakacay Qeybo Ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe iyo sido kale Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Deegaanada u dhow Degmada Dhoobley kuwaasi oo ay abaarta dhaafisay xoolihi ay dhaqan jireen.

Kaamkani ayaa waxaa ka jira xaalada nolol xumo oo ay kamid yihiin Hoy la’aan cuno la’aan caafimaad daro, iyo arimo kale oo is biirsaday.

Hadaba qaar kamid qoysaska danyartaa ee ku nool kaamkaasi oo Warbaahinta Sanguuni lahadlay ayaa kawarbixiyay xaalada nolaleed ee kajirta kaamka iyagoona sheegay in kaamka ay ka jirto xaalad nolal xumo.

 

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya