Haweenka abuuranaya fursadaha Ganacsi oo ku soo badanaya Degmada Dhoobley

0
159

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadka Soomaaliyeed waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin dad ku fiican hal-abuurka ganacsiga. Waxaa xusid mudan in markii ay burburtay dowladdii dhexe ay dhammaan Hay’adahii dowladda oo ay ka mid ahaayeen kuwa Waxbarashada,Caafimaadka iyo adeegyada kala duwan ee bulshada ay meesha ka bexeen.

Ganacsiga ayaa ah waxa kaliya ee Soomaaliya kaga duwanaatay dalalkii kale ee burburay, waxaana ganacstada Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka ay qaarkood door muhiima ka qateen qeybaha kale duwan ee ganacsiga.Sidokale Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool degmada dhoobley ayaa waxay ka qeyb qaataan kobaca dhaqaale ee dalka.

Maamo SamSam Abdullahi Maxmed waxa ay kamid tahay haweenka furtay maqaayadaha laga sameeyo cuntooyiinka noocyadooda kala duwana waxayna inooga warbixisay Sida ay nool maalmedkeeda uga dabarto ganacsigeeda.

Dhanka kale Fatumo Xassan waa mid ka mid hooyoyiinka mariyo cilanka. Faatumo ayaa sharraxaad inooga bixisay ganacsigeeda iyo goorti ay bilaawday

Dumarka Soomaaliyed Sodonkii sano ee uu dalkeenu burbursanaa waxaa ay ahaayeen ku door muhiim ah ka qaatay samata bixinta bulshada Soomaliyeed ee uu burburku saameeyay. Waxayna inta badan la yimaadeen hal abuur iyo fikrado ganacsi kuwaas oo wax wayn ka badaleen nolosha qoysaskooda.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa