Man United 1999, Arsenal 2004, Man City 2018 Mise Liverpool 2020? Kooxda Ugu Fiican Taariikhda Premier League Oo La Doortay

0
173

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jamaahiirta kubadda cagta ayaa codkooda ku doortay safka ugu fiican taariikhda horyaalka Premier League xilli ay kooxaha waaweyn ee horyaalkaas soo mareen safaf kala duwan oo tayo sarreysa.

Afarta dhinac ee tartamayay ayaa kala ah Man United 1999 oo ah kooxdii saddexleyda kusoo guuleysatay, Man City 2018 oo ah kooxdii gaadhay 100-ka dhibcood ee Premier League, Liverpool 2020 oo ah safkii ugu horreeyay ee Reds Premier League u qaaday iyo Arsenal 2004 oo horyaalka guuldarro la’aan ku qaaday.

Codkan oo ah dhiibteen in ka badan 1,000 oo taageerayaal kubadda cagta ahi isla markaana ay qaadaysay shirkada Betfair ayay ku doorteen in safkii Man United ee 1998-99 uu yahay midka ugu fiican taariikhda horyaalka.

Man United iyo tababare Sir Alex Ferguson ayaa sagaashamaadkii markii Premier League la sameeyay 1992 ahaa awooda ugu weyn iyagoo qaaday shan kamida toddoba horyaal oo qabsoomay kahor bilaawgii qarnigan.

Man United ayaa 13 horyaal Premier League kusoo guuleysatay 26 sano oo uu hormood u ahaa Ferguson balse xilli ciyaareedkii 1998-99 ayaa ah mid u gaar ah.

Coddayntan ayay booska labaad kasoo wada galeen Arsenal 2004 oo lagu xasuusto inaysan xilli ciyaareedka dhan guuldarro arag iyo Liverpool 2020 halka ay booska saddexaad soo gashay Manchester City xilli ciyaareedkeedii boqoleyda.

Glory Days How Man Utd won 1999 Premier League in Treble season | Manchester  United