Khasaare ka dhashay dab ka kacay Waqooyiga Mareykanka.

0
136

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan Labo ruux ayaa dhintay, halka kumanaan kalena ay ku barakaceen dab xooggan oo ka kacay waqooyiga Gobolka California ee dalka Mareykanka.

Meydadka labada qof ee dhintay ayaa laga dhex helay gaari dhex yaalay wadada uu dabka ka kacay.

Taliyaha degmada Siskiyou Jeremiah LaRue ayaa ABC News u sheegay in labadoodu ay u muuqdeen kuwo isku dayay in ay ka baxsadaan aagga, balse dabku uu ku yimid. Dabka kacay ayaa gubay in ka badan 50,000 oo hektar, taasoo ka dhigaysa kii ugu weynaa ee California sanadkan. Labada ruux ee geeriyootay ayaan la shaacinin faah-faahin ku aadan, ilaa iyo inta qoyskooda la ogeysiinayo.