Leicester City Oo Chelsea U Sheegtay Shuruuda Kaga Xidhay Wesley Fofana

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa Leicester City wadahadalo kagala jirta saxeexa daafaca dhexe ee Wesley Fofana kaddib markii ay ku fashilantay Jules Kounde oo doortay inuu u wareego Barcelona.

Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay diyaarinayso dalab ay ciyaartoy ku jiraan oo ay doonayso inay Fofana kaga soo wado King Power Stadium. Si kastaba, shuruuda ay Leicester ku xidhay iibka da’yarkaas French-ka ah ayaa ah 85 Milyan oo pound.

Kaddib markii uu badi xilli ciyaareedkii hore dhaawac ku qaatay, Fofana ayaa heshiis kordhin shan sano oo kale ah u sameeyay Leicester, tababaraha kooxdaas ee Brendan Rodgers ayaan wax xiiso ah u hayn inuu iibiyo.

Fofana ayaa Leicester kaga soo biiray dhinaca Saint Ettiene sanadkii 2020 heshiis 36 Milyan pound ah, xilli ciyaareedkiisii koowaad ayaa ahaa mid uu si weyn ugu raaxaystay isaga oo 28 kulan kasoo ciyaaray kulamada horyaalka.

Kahor xilli ciyaareedkii hore oo ahaa midkiisii labaad ayuu Wesley gaadhay dhaawac halis ah oo uu bilooyin badan ku maqnaa walow uu qaybihii dambe ee 2021-22 soo gaadhay.

Haddii uusan heshiiskani qabsoomin, Chelsea ayaa doonaysa mid ahaan daafacyada Inter Milan ee Denzel Dumfries iyo Milan Skriniar.

Leicester ayaan wali wax saxeexyo ah samayn gudaha suuqan walow xiddigaheeda ay kooxaha kale aad u doonayaan, goolhayaha halyeeyga ah ee Kasper Schmeichel ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kooxda Nice kaddib 11 sano oo uu Foxes la joogay halka James Maddison uu dalabaad ka helayo Newcastle United.