Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka xagar waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala dagmada dhoobley ee gobalka jubada hoose kaamkan ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay qoysas ka soo baracay abaarta ku habsatay dalka.
Kaamkan ayaa waxa ku nool qoysas danyar ah oo ka soo barakacay Qeybo Ka tirsan Gobolka Jubbada hoose iyo gobalka Jubbada dhexe iyagoona soo miciin biday degmada dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale walow ayna helin adeegyada aas aasiga u ah nolosha bini aadmaka
Hadaba qaar kamid ah bulshada danyarta ee ku nool kaamkaasi oo aan waraysi layeelanay ayaa inooga warbixiyay xaaladooda nololeed iyagoona inoo sheegay in xanuunka duumada uu sooritay qaar kamid ah caruurta ku nool kaamka maadama aysan haysan Shandarowooyin ay ka dugsadaan kaneecada, waxayna maamulka jubbaland iyo hay’adaha samafalka ka codsadeen in gar gaar Bini’aadanimo loo fidiyo, maadaama ay yihiin dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xooli ay tabcanayeen.
Sidokale isagana waxaan geestiisa wareysi la yeelanay gudoomiyaha kaamka xagar ciise macalin jinow isagoona islamarkaasi inooga warbixiyay xaalada guud ee kaamka.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya