Liverpool oo garaacday Manchester City, kuna guuleysatay Koobka FA Community Shield

0
248

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleystay koobka FA Community Shield, kaddib markii ay 3-1 ku garaacday naadiga ay xilfaltamaan ee Manchester City.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 21-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Alexander-Arnold kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

70 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa heshay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Julián Álvarez.

Liverpool ayaa loo dhigay rigoore waxaana daqiiqadii 84-aad gool ka dhigay laacibkooda reer Massar ee Mohamed Salah, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-1 ay ku hoggaamineysay Reds.

90 + 4 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Darwin Núñez oo ay caawin kaga timid Robertson ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Liverpool.

Ugu dambeynii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Manchester City, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen King Power, Reds ayaa sidaas loogu caleemo saaray koobka Community Shield.