Mihnadda Macalinimada oo shaqo abuur u noqotay Qaar kamid ah Dhalinyarada Dhoobley.

0
199

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Macalinka waxaa lagu tilmaamaa waalidka labaad ee Ardayga waxaana uu mudan yahay ixtiraan iyo in shaqada adag ee uu bulshada u hayo oo lagu dhiiro galiyo.

Macalimiinta ka shaqeeya Dalkeena Soomaaliya ayaa ah kuwa ku shaqeeya duruufo adag oo kala duwaan si ay usoo saraan jiilal waxbartay oo aqoon leh.

Horumarka waxbarashada laga sameynaayo ayaa sannad kasta intii hore ka sii kordhaaya,Fursado waxbarasho oo badan oo markii hore aan Jirin ayaana wadankeena ka furmaya ama la keenayaa,Tirada dugsiyada,Mac-hadyada,Dugsiyada gaarka loo leeyahay,Jaamacadaha iyo Xarumaha waxbarashada Farsamada,intuba 10kii sanno ee u danbeeyey waxa ay u bateen si aan qiyaas laheyn.

Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya