Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dag-alima oo dhaca dhanka Konfureed ee Magaalada Dhoobley ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ka jirtay Baahiyo Dhanka adegyada Caafimaadka oo ay ugu horeyso Daawo yari taas oo soo wajahday Isbitaalka deegaankaasi.
Isbitaalkaasi ayaa ahaa mid ay adeegyo caafimaad oo kala duwan ay ka heli jireen bulshada ku nool Deegaankaasi iyo sido kale Tuulooyinka Hoos yimaada balse hada waxaa kajirtaa xaalad Daawo la’aan ah. Bulshada halkaasi ku nool ayaa carabka ku adkeeyay in isbitaalka laheyn qolalka bukaan jiifka iyo sidokale shaqaala yari soo wajahday isbitaalka.
Aadan cabdi xuseen oo kamid ah howlwadeenada Caafimaad ee ka howlgala Deegaanka Dag’alima oo radio sanguuni lahadlay ayaa kawarbixiyay Baahiyaha Caafimaad ee ka jira Isbitaalka Deegaankaasi.
Dhanka kale Guddomiyaha Deegaanka Dag-alima bishaar sheekh ibraahin ayaa wasaarada cafimaadka dowlad goboleedka jubaland ugu baaqay in wax ay ka qabato Baahiyaha Caafimaad ee ka jira Deegaanka Dag’alima ee Gobolka Jubbada Hoose.
Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaariyay