Aqoonyahanada Dhoobley oo ku baaqay in fursado waxbarasho la siiyo Haweenka ka daahay Waxbarshada.

0
165

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Marka dib loo fiiriyo xilliyadii hore wiilasha iyo gabdhaha waxa ay ahaayeen kuwa aan u sineen helidda waxbarashada duruufo jiro awgeed oo ay kamid ahaayeen dhaqaalo yari iyo bulshada oo aan fahansanayn fa’idada ay leedahay in gabdhaha wax labaro iyo sidokale walidiinta oo xooga sari jiray in ay wiilasha wax baraan halka gabdhaha lagu cadaadin jiray inay guriga ka shaqeeyaan sido kalena saboolnimada oo keentay in gabdhaha guurka lagula dagdago ayaa iyaduna qayb ka ahayd in gabdhuhu aysan helin fursado waxbarasho.

Bulshada soomaaliyeed ma aysan xooga saari jirin waxbarashada balse dib ayay ka fahmeen waxabarshada fa’iidada ay leedahay madaama ay waxbarashada tahay mida isku xirta aduunka.Dumarka somaaliyeed ayaa hada ah kuwa fahmay ahmiyadda ay ledahay waxbarshada.

Hadaba Qaar kamid ah aqoonayahanada iyo macalimiinta ku nool degaanka dhobley oo Radio Sanguuni la hadlay ayaan ka waraysanay sida ay waxbarsho u heli karaan haweenka ka daahay waxbarashada ee aan waqtiga u saamixin.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa