FAAHFAAHIN: Xogtii Ugu Dambaysay Ee Mustaqbalka Jules Kounde & Loolanka Barcelona Iyo Chelsea

0
158

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa wali cirka ku shareeran oo aan meel lagu hubin mustaqbalka daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde oo ay ku loolamayaan kooxaha Barcelona iyo Chelsea.

Xogtii ugu dambaysay ayaa ah in la filayo inay Barcelona maanta oo Isniin ah dalab ka gudbiso kaddib markii uu ciyaaryahanku muujiyay inuu aqbalayo heshiiska shaqsiga ah.

Chelsea ayaa Khamiistii toddobaadkii hore dalab 55 Milyan oo pound ah ka gudbisay Kounde isla markaana heshiis la gaadhay Sevilla balse aan wali helin aqbalaadii ugu dambaysay.

Barcelona ayaa kalsooni ku qabta saxeexa 23 sano jirkan sababtoo ah inay aaminsan tahay in ciyaaryahanku uu Chelsea haddii uu doonayo ku biiri lahaa markii ay dalabka wanaagsan kasoo gudbisay maalmo kahor.

Barca ayaa suuqan horeba uga soo inkaarsatay Chelsea kaddib markii ay ku garaaceen saxeexa Raphinha oo ay sidanoo kale ugaga badnaayeen dhaqaalaha.

Barca ayaa horeba xagaagan booska daafaca dhexe ula soo saxeexatay Andreas Christensen oo ay Chelsea bilaash kaga soo qaateen balse khibrada Kounde ee horyaalka La Liga ayaa ah mid soo jiidanaysa.

Shaqsiga muhiimka u ah qorshaha Jules loogu qanciyay inuu sugo fursada uu Camp Nou usoo wareegayo ayaa ah tababare Xavi Hernandez oo uu saxafi Fabrizio Romano sheegay inuu taleefan kula xidhiidhay.

Chelsea ayaa haddiiba ay markale bartilmaameed u weydo Barca u weecan karta daafacyo kale oo uu kamid yahay Presnel Kimpembe oo PSG ka tirsan.