Guddoomiyaha Degmada Dhoobley oo ka hadlay qorshaha dib u dayactirka wadooyinka Magaalada.

0
165

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa mudooyinkii danbe ku talaabsaneysay Horumaro kala duwan oo ay uga horeyso dhismoyinka taasoo sababtay inay sii balaarato baaxada Magaalada islamarkaana ay ciriiri noqdaan Wadooyinka Magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Dhoobley Xasan Cabdi Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay bilaabi doonaan qorsho dib u tayactir looga sameynayo wadooyinka Magaalada waxuuna bulshada ku nool Magaalada Dhoobley ugu baaqay inay ku dadaalaan danta guud ee deegaanka ayna ilaaliyaan Wadooyinka.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawarbixinaya