Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Dhoobley oo nolosheeda ka maareysa Wadista Gaadhiga Tagsiga.

0
199

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waa dhif iyo naadir in lahelo dumar kushaqaysta xirfadda baabuur wadida iyadoo wakhtiga hada lajoogo aad loo istimaalo baabuurka tagsiga

Hooyo deeqa Xasan waa hooyo soomaaliyeed oo ku nool magalada dhoobley ee gobolka jubada hoose waxay kushaqaysata baaburka noociisu yahay  taxsi waxayna karaadsataa nolalmalmeeldkeeda. Hooyo deeqa oo aan wareysi la yeelanay ayaa inoga warbixisay shaqadeeda iyo caqabadaha ay kala kulanto bulshada nooceeda kaladuwan iyadoona inoo sheegtay in ay caqabado badan kala kulanto bulshda maadama ay naadir tahay in ay  dumarku baabuurka rakaabka kaxeeyan.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka macaamiisha u ah hooyo  deeqa oo aan wareysi la yeelanay ayaa iyaguna geestooda  ku dhiirogaliyay shaqadeeda.

Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaariyay