Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan.
Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyneyaasha, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan, Uganda Mudane Yoweri Musseveni, Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, kala qeyb galay furitaanka jid halboowle ah oo lagu magacaabo Bariga Afrika, kaas oo ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).