Roma oo ku dhawaaqday saxiixa Paulo Dybala

0
204

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Roma ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la saxiixatay xiddiga reer Argantina ee Paulo Dybala, kaasoo kaga soo biiray naadiga Juventus heshiis xor ah.

Paulo Dybala ayaa ka tagay Juventus xagaagan kaddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kula jiray Bianconeri, waxaana uu xor u noqday inuu koox kale ugu wareego si bilaash ah.

Kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Serie A ayaa ku loolamayay inay helaan adeega Paulo Dybala, laakiin Roma ayaa ugu dambeyntii gacanta ku dhigtay saxiixiisa, wuxuuna laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub la shaqeyn doonaa macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.

Website-ka rasmiga ah ee kooxda Roma ayaa tilmaamay in Paulo Dybala uu saxiixay heshiis saddex sano ah, kaasoo socon doono illaa 2025, xiddigii hore ee Juventus ayaana xiran doona lambarka 21-aad ee Giallorossi.