IMF oo ansaxisay 28 bilyan oo amaah ah oo lagu wareejinaya dalka Kenya

0
147

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda caalamiga ee lacagaha adduunka ee IMF ayaa ansaxisay amaah lacageed oo dhan 28 bilyan oo ay ku wareejinayso dowladda Kenya Guddiga fulinta ee IMF ayaa ansaxiyay in deyntan oo u dhiganta 235 milyan oo doolar la siiyo Kenya.

Lacagtan ayaa ah qaybtii ugu dambeysay ee Kenya la deymiyo, ka dib heshiis la gaaray horraantii sanadkii hore.

Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay in lagu taageero barnaamijyada wax loogu qabanayo dadka dhibaatooyinka u nugul, ka falcelinta cudurka Covid19 oo ay wali saameyntiisu jirto iyo saameynta dhaqaale ee ka dhalatay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka dariska la ah ee Ukraine.

IMF ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay muujisay sida ay kaga go’an tahay xaqiijinta maamul wanaagga iyo dib u habeynta hay’adaha dowliga ah.